Kooxda Xisbullah oo duqeysay fariisin ay leeyihiin ciidamada Israel

Image
Weerarkan ayaa dhimasho iyo dhaawac waxaa ku noqdey tiro askar ah.

DOOXA, Qadar - Kooxda hubaysan ee Lubnaan ayaa sheegtay in ay gantaalo la hago ku garaacday goobta milatariga Israa’iil ee Birkat Risha ee u dhow xadka, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro askar ah.

Horaantii, Xisbullah waxay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay duqeeyeen laba goobood oo kala duwan oo ay ciidanku leeyihiin oo ku yaalla agagaarka xadka Israa'iil iyo Lubnaan.

Weerarada Xisbullah ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Israel la sheegay inay weeraro madaafiic ah ku qaadeen deegaano ku yaala duleedka magaalooyinka Yaroun iyo Maroun al-Ras ee koonfurta Lubnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM