Kufsi kusoo kordhay Shabeellaha Hoose [Imisa la kufsaday bishan?]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Kufsiga ayaa kusoo kordhaya Todobaadyadii ugu dambeeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaan Qaasim Magow Cabdalla, oo katirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in bishan gudaheeda 19 qof oo dumar ah lagu kufsaday inta u dhaxeysa Afgooye iyo Buur-Hakaba.

Qaar kamid ah Haweenkana ayaa lagula kacay kufsi wadareed, iyadoo hal maalin guhadeeda 11 gabdhood 9-kii bishan June, sida uu sheegay Xildhibaanka, oo laga soo doorto deegaanada tacadiyada kufsiga ah ay ka dhaceen.

Wuxuu tilmaamay Qaasim in falalkan foosha xun ay geysteen Rag ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan kuwa Milatariga iyo Kooxaha kale oo aan heebtooda la aqoon oo ah qowleysato jidka Isbaaro gaadiidka lagu dhaco dhigta.

Xildhibaan Qaasim Mogow Cabdalla oo ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka digay in hadii wax laga qaban waayo arrimahan ay tiradda intaan kasii badan karto.

"Inta badan haweenka la kufsaday waa kuwa dhalinayaro ah, waxaana lagala degaa baabuurka ay la socdaan. Darawalada way isku dayeen inay biyo diidaan, balse, naftooda ayay a baqeen," ayuu raaciyay.

Wadada isku xirta Afgooye iyo Buur-hakaba, illaa iyo gobolada kale ee Koonfur Galbeed, ayaa waxay tahay midda ugu halista, waxaana ka dhaca falal isugu jira, Qarax, weeraro toos ah iyo waliba falal Kufsi ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku xoog badan wadadan ku caan-baxday dhibaatooyinka ee lagu kufsaday 19-ka dumarka ah, waxaana dowladda Federaalka lagu dhaliilay inay ka gaabisay amaanka gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM