Farmaajo oo Faysal "waydiistay" in uu fududeeyo tegistiisa Hargeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa shaaciyey in hogaamiyaha xisbiga UCID uu madaxweyne Farmaajo si kulul ula hadlay markii ay ku kulmeen caasimadda Belgium.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo degaan doorashadiisu tahay Hargeysa, xusayna in hogaamiyaha dalka uu is-difaacay, ayaa soo bandhigay hadalo ay labadda dhinac isku weedaarsadeen.

Kulanka Farmaajo iyo Faysal Waraabe oo qabsoomay July, 18, 2018, ayaa diiradda lagu saarey wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

"Faysal Cali Waraabe muddo dheer baani is-naqaanay, waa adeerkay, waa muwaadin, qof taariikh badan leh, siyaasi rug-cadaa ah, Brussels waanu isku aragnay waanu ku sheekeysanay," ayuu Mahdi yiri.

Cali Khaliif Galeyr, madaxweynihii Khaatuma State, ayaa qayb ka ahaa is-araga mas'uuliyiinta, oo kadib guux aad u badan abuuray.

Wuxuu raaciyey: "Madaxweyne Farmaajo-na waa is arkeen, markii ay madaxweynaha is-arkeen aniguna goobjoog baan ahaa, si kulul oo adag ayuu madaxweynaha [Farmaajo] ula hadlay".

Mahadi ayaa wuxuu intaas raaciyey: "Waxyaabaha Somaliland tabaneyso ayuu ka hadlay, waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay mar kasta ka sheegtaan ayuu ka hadlay [Faysal Cali Waraabe]".

"Wuxuu ka hadlay wadahadaladii oo uu yiri 'madaxweyne Farmaajow intii aad joogtey ma aysan dhaqaaqin' marka madaxweynuhuna waa is-difaacay wuxuu yiri 'walaalow aynu bog cusub furnee oday Soomaaliyeed baa tahay aniga diyaar baan ahay berrito Hargeysa iigu yeera wadahadalada aan bilowno' is-afgarad iyo guul [buu kusoo dhamaadey], ka odayeeya idinku ayuu yiri. Iyagoo qanacsan oo maqsuud ah oo raba in weji cusub iyo bog cusub ayay[ kala tageen]," ayuu daboolka ka qaadey ku xigeenka Khayre.

Hadalka Mahdi ayaa kusoo aadaya iyaddoo haatan ay taagan tahay dood ku saabsan in Farmaajo booqdo Hargeysa, wallow maamulka Muuse Biixi Cabdi uu gebi ahaanba arrintaas kasoo horjeestay.

Hadalheyntaas ayaa timid kadib markii ay labada madaxweyne ku kulmeen xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo ay kawada aqbaleen in uu u kala dabqaado, inkasta oo arrintaas aad loo dhaliilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM