Kulankii madaxda Somalia oo burburey lagana soo saarey qoraal [Akhriso]

Image

Dec16, 2015 (GO)- Kulankii madaxda Somalida uga socdey magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhamaadey iyadoo aan heshiis laga gaarin nooca ay noqoneyso doorashada Barlamanka Somalia sanadka 2016.

Xafiiska Qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia oo kulan deg deg ah galabta makhribkii ku qabtey Xalane inta aysan madaxda maamulada Somalia maalinta berri ah soo ambabixin ayaa waxaa ka hadlay Ra'isal wasaaraha Somalia, gudoomiyaha Barlamanka iyo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia, waxaana lagu shaaciyey in bisha Jan 10,2015 la isugu imaanayo magaalada Kismayo.

Madaxda maamulada Somalia ayaan ka hadlin xiritaanka kulankaas.

Gabagabadii kulankaan ayaa lagu balamey in madaxda maamulada ku noqdaan shacabkooda kalana soo tashadaan qaababka ay noqon karto doorashada iyadoo hadalada mas'uuliyiinta hadashay laga garanayy ineysan jirin wax la isku afgartey.

Warsidaha Garowe Online ayaa waxaa soo gaaray warmurtiyeed la sheegay inuu kasoo baxya kulankaasi, balse kuma cadda hishiis cad oo qeexaya doorashada sannadka dambe qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM