Kulankii madaxda Somalia oo dib loogu balamey sanadka cusub

Image

Dec 16, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya kulankii uga socdey madaxda Somalida magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inuu ku dhamaadey is-fahan waa kadib markii dhinacayada ku kulansanaa malmihii lasoo dhaafey xarunta Vilaa Somalia isku khilaafeen qaabka loo soo xulayo Barlamanka 2016.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa codsadey in waqti dheeraad ah la siiyo si ay ula soo tashadaan shacabka ku nool deegaanada ay ka arimiyaan iyadoo wararku sheegayaan in laga aqbaley.

Beesha caalamka oo cadaadis xoogan ku haysay maamulada Somalida iney aqbalaan mid kamid ah nidamyada lasoo bandhigey ayaa January 5, 2016 dib ugu balamisay madaxda mamaulada Somalida iney dib ugu soo noqdaan magaalada Muqdishu.

Waftiga uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa la filayaa maalinta berri ah 17 Dec, 2015 dib ugu soo noqdaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Shacabka Puntland oo la isugu geeyey 6 magaalo ( Garowe, Bosaso, Galkacayo, Qardho, Tukaraq, Baran) ayaa go'aamiyey in nidaamka ugu wanaagsan ee lagu soo xuli karo Barlamanka soo socda sanadka 2016 yahay in la raacayo hab degmo.

Lama oga shirarka dambe ee lagu balamey 5 January, 2015 waxa ay ka badali karto mowqifyada maamulada kala fikrada duwan.

Dowlada Federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kuwada socda in ndaamka 4.5 lagu soo xulo Barlamanka Federaalka ee sanadka 2016 taasoo sahli karta in xilka dib ugu soo noqdaan Xasan Shiikh iyo kooxda isku siyaasada yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM