Kumaandooska Soomaaliya oo "xubno badan ka dilay" Al-Shabaab

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku dartey in ciidamadda Danab ay burburiyeen xaruntii maleyshiyadda ee degmada Buq Aqable.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Danab ay dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda.

Bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in ciidanka ay sidoo kale burburiyeen xaruntii maleyshiyadda hubeysan ee degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Buq Aqable waa mid ka mid ah magaalooyinka sida weyn ay dagaalameyaasha hubeysan isugu fidiyeen soddonkii sano ee la soo dhaafay, sidda ay sheegayaan warbixinadda

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab ayaa xalay hawlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen deegaanka Bukh-aqable oo qiyaastii 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku dilay maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab.

Hawlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay Ciidanka Danab waxaa ay ku khaarijiyeen 18 ka mid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyada oo gabi ahaan ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa nabad diidka

Meelaha ay Ciidanka Xoogga burburiyeen waxaa ka mid ahaa xaruntii argagixisada ee deegaanka Bukh-aqable iyo meelihii Shacabka ay ku dhibaateyn jireen.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada howlgalo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah si looga ciribtiro guud ahaan dalka

Argagixisada la khaldey waxaa la xusuusinayaa in ay tahay waddada keliya ee ay uga badbaadi karaan hawlgalada socda in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, ka tanaasulaan fikirka khaldan ee diinta Islaamka ka baxsan,lagana caawiyo sidii ay dib bulshada uga mid noqon lahaayeen.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM