Kumuu ahaa guddoomiyihii Ururada Bulshada Rayidka ee dhintey?

Image
Madaxda ka tirsan dowladda Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdullahi Maxamed Cali (Shirwac), guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho halkaas oo maalmihii la soo dhaafay lagula tacaalaayay xaaladiisa caafimaad.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa, wuxuuna xalay saq-dhexe ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la filayey in arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa si loola tacaalo xaaladdiisa, balse ay ku timid geeri ka hor inta aan loo qaadin dalka dibadiisa.

Madax kala duwan iyo qaybaha bulshada ayaa ka tacsiyeysay geerida AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Diini Maxamed Diini oo ay bulshada rayidka ah iskala soo shaqeeyeen ayaa sheegay in Shirwac uu ahaa aqoonyahan iyo samafale ka shaqeyn jiray u ololeynta nabadda.

“AUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac, dambigiisa allaha dhaafo, jannatul-firdowsa allaha ku abaalmariyo, waxa uu ahaa aqoonyahan soomaaliyeed, samafale si gaar ah uga shaqeyn jiray islaaxa iyo nabadda, runtii waxa uu ahaa astaanta Bulshada Rayidka, ehelkiisa sabar iyo iimaan allaha ka siiyo” ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Roobe ayaa war ka soo saaray geerida ku timid marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehalladiisa, gaar ahaan qoyskiisa, caruurtiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa,” ayuu yiri ra’iisul wasaruhu.

Rooble ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa sheegay in Prof Shirwac uu ahaa “halgamaa u dhaqdhaqaaqa bulshada, gaar ahaan kuwa nugul, wuxuu kaloo ahaa madaale har iyo habeen u taagan dib u heshiisiinta ummadda, dadaale danta guud tiisa kaga horreysiiya, gurmade gacansiiya dadka ay argagexisada, abaaraha iyo daadadka dhibaateeyaan, u doode xuquuqda dulmanayaasha, daljire u taagan dawlad dhiska".

Isaga oo ka hadlaayay inta uu ka yaqaanay Warsame ayaa xusay in uu u soo joogay marxuumka oo “dhowr jeer ka cudur daartay xil wasiirnimo, isagoo go’aansaday in uu bulshada ugu adeego xil la’aan iyo awooddiisa damiir. Weligiis dalka kama bixin, wuxuuna la adkaystay dadkiisa, isagoo u bareeray halis badan”

Madaxda ka tirsan dowladda Faderaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee 14-kii October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM