Ku-xigeenka Ra'isul wasaaraha Somalia" Wadahadalka Somaliland dib ayuu u bilaamayaa"

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Somalia ayaa sheegay inuu dib u bilaamayo wadahadal u dhaxeeya iyaga iyo maamulka Somaliland.

Carte ayaa tilmaamay wada-xaajoodku inuu salka ku hayo sidii maamulka Somaliland uga baaqsan lahaayeen gooni goosadka lana midoobo.

"Run ahaantii wada hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-kii la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Somali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala tega” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Dhawr jeer oo hore waxaa guul darraystay kulamo dhexmaray Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Somaliland, waxaana fadhigii  u dambeeyay hareeyay khilaaf ku aadan cidda ka qayb galaysa wadahadalka labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM