Laamaha amniga Muqdisho oo lagu booriyey "feejignaan dheeri ah"

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee "kusoo jabay" furimaha dagaalka ayaa "raxan-raxan u soo galaya caasimada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka Muqdisho waa in ay ka feejignaadaan maleyshiyada Al-Shabaab ee kusoo jabay furimaha dagaalka ee caasimada soo galaya, sida uu kula taliyey sarkaal sare.

Taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka, Cabdiraxmaan Tuuryare oo Garowe Online Twitter Space, ayaa carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la hubiyo dadka cusub ee soo galaya magaala madaxda.

Tuuryare oo barnaamijkan ka qeybgalay isaga oo jooga furinta dagaal ee degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa ka digay in dagaalameyaashaas ay geysan karaan "weerar carqaladeyn ah".

Sida laga soo xigtey Tuuryare, macluumaadka sirdoon ee la helay maalmihii lasoo dhaafay ay muujinayaan in Al-Shabaab ay go'aansadeen "in ay culeyska ka haysta gobolada u soo wareejiyaan Muqdisho".

"Argagixisada markii ay kusoo jabeen gobolada waxay baabuurta caadiga ah kusoo galayaan Xamar; hay'adaha ammaanka waa in ay irdaha laga soo galo magaalada ay dhigaan baro kontaroolo lagana sameeyo xabsiyo ku meelgaar ah," ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ammaan oo qaarkood ka imaanayay safaaradaha reer galbeedka ee ku dhex-yaala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Mid kamid ah warbixinada ayaa muujiyey in Al-Shabaab ay beegsan karaan goobaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin gaar ahaan isgoysyadda Dabka iyo Hoteelo caan ah oo uu ku jiro Mansoor iyo Colow Tower.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM