Laba arrimood ka ogow shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Is-araggan ayaa horey qorshuhu wuxuu ahaa in uu qabsoomo bisa August ee sanadkan 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar kamid ah hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa caawa ku hooyanaya magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Madaxwayneyaasha Axmed Maxamed Islaam, Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Xuseen Guudlaawe ayaa siyaabo kala duwan waxaa maanta u soo dhaweeyay wasiiiro ka tirsan xukuumadda.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa kaliya maanta kasoo dagin Muqdisho. Shirka Wadatashiga Qaranka oo qorshuhu yahay in uu Axada berri ah ka furmo Muqdisho ayay ka qeybalayaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hormuud u ah qabanqaabadda shirkan ayaa shaaca ka dhigtey in kulankan diiradda lagu saari doono arrimaha hortabinta u leh waddanka.

Wasiirka wasaaraddan, Axmed Macalin Fiqi oo madax u ah guddiga soo dhaweynta madaxwayneyaasha ee xukuumadda u xilsaartey, ayaa caddeeyay "in dadka Soomaaliyeed indhaha kuwada haayaan shirkan".

Ajandaha "ugu weyn" ee shirkan

Isaga oo madaarka Aadan Cadde ugu waramaya saxaafada kadib markii uu soo gaarey Muqdisho, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa tibaaxay in "ajandaha ugu weyn" ee shirkan uu yahay ammaanka.

"Taag-taag badan ma jiro," ayuu raaciyey isaga oo u muuqda mid meesha ka saaraya kala aragti-duwanaanshiyo ka dhex-taagan madaxda Soomaalida gaar ahaan qodobada xasaasiga ah ee hogaaminta dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulankan lagu soo hadal-qaadi doono khilaafka ka taagan qaabka loo maareynayo deeq dhan $100 milyan doollar oo Bangiga Aduunka ugu talagalay kabka miisaaniyadda qaranka.

Wasiiradda Maaliyadda heer federaal iyo maamul goboleedyadda ayaa ku fashilmay in ay xal uga gaaraan kulan saddex maalmood qaatay oo ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Garowe Online oo soo xiganaya illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa fahansan in madaxwayneyaasha maamuladda iyo dowladda federaalka ay qadiyadan ku lafaguri doonan shirka wadatashiga qaranka.

Rabitaanka kulanka ee Villa Soomaaliya

Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo bishii hore ee August. Hase ahaatee, sababo aan illaa haatan wax fahfaahin ah laga bixin ayaa sababtay in uu dib-u-dhac ku yimaado.

Hal illo wareed ayaa rumeysan in ay baajisay safaradda dibadda ee Xasan Sheekh. Saddex kalana oo si dhow ula socdey kulankan waxay sheegeen in ay baajiyeen "dildilaac" ka dhashay magacaabida xukuumadda.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeysay in uusan mar kale baaqan kulankan maadaama Xasan Sheekh uu raadinayo "sawir guud" oo uu la tago shirka loo-dhan-yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Sawirkaas guud ayaa ka caawinaya madaxweynaha in uu sharaxaad u helo hal-ku-dhiga uu ololaha ku galay ee ah "Soomaali heshiis ah dunidaha heshiis la ah," ayuu yiri mid kamid ah dadka la socda siyaasada Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale wuxuu fure u noqon karaan wadashaqeyn dhow oo madaxda Soomaalida yeeshaan mustaqbalka - fashil iyo guul - mid kasta oo ku yimaadana waxaa cawaaqib ku muteysaneysa Soomaaliya oo qura.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM