Labo diyaarad oo laga hor-istaagay in ay ka dagaan Garbahaarey

Image
Talaabadan oo la sheegay in ay fuliyeen dadka degaanka ayaa waxay la xiriirtaa is-qabqabsiga siyaasadeed.

KISMAAYO, Jubaland - Labo diyaaradood oo ka baxay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa laga hor-istaagay in ay ka degaan xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey. Lama soo sheegin khasaaro.

Talaabadan oo la sheegay in ay fuliyeen dadka degaanka kuwaasoo ku hubeysanaa qeybaha kala duwan ee hubka noocyadiisa ah ayaa waxay la xiriirtaa is-qabqabsiga siyaasadeed.

Warbixinta oo laga helay illo xog-ogaal ah ayaa intaas ku daraysa in mid kamid ah diyaaradahan ay la socdeen xubnaha gobalka Gedo ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ayaa mar kale asbuucii hore wajahay xaalad go'doon ah kadib markii maamulka uu go'aamiyey in aysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin garoonka magaaladda Doolow.

Talaabadan oo markii dambe laga noqdey ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland ay isku-dayeen in ay halkaas ka dagaan.

Xayiraadan oo soo shaac-baxdey todobaadkan ayaa waxay saameyn xooggan ku yeelatay dad kala duwan oo doonayey in ay u socdaalaan gobolka kuwaasoo isugu jira shacab iyo ganacsato kuna xayiran magaalooyin ay ugu horeyso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayan, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmad Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafey kulan gaar ah ka yeeshey arimaha gobolka Gedo taas oo keentey xiisadaan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM