Labo mileeshiyo beeleed oo ku dagaalamay Beledweyn

Image

February 7, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya labo mileeshiyo beeleed oo 24tii saac ee ugu dambeeyey ka soconayey gudaha degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowdey gelinkii dambe ee shalay, waxayna wararka  Beledweyn laga helayaa sheegayaan in mileeshiyaadka dagaalamayaa isku haystaan maamulka isbaaro taalla xaafadda Hawl-wadaag.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka saaka socdaa aad uga culus yahay kii shalay dhacay, waxaana jirta cabsi laga qabo in khasaare xooggani ka dhasho. Boqollaal qoys oo degenaa aagga uu dagaalku ka socdo ayaa u qaxay xaafadaha kale ee magaalada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka dib mar kale Beledweyn uga qarxey, waxaase la xaqiijiyey in ilaa iyo hadda labo qof oo dhaawac ah midkoodna xaaladiisu halis tahay la gaarsiiyey isbitaalka guud ee degmada.

Dagaalada ku saleysan qabiilka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey si aad ah ugu soo badanayey gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in tobanaan qof ku geeriyoodeen dagaalo soo noq noqdey oo labo mileeshiyo beleed ku dhex maray deegaanka Deefow.

Wixii warar ah oo ka soo kordha xaaladda Beledweyn dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM