Labo talaabo ay dowladda Soomaaliya qaadey oo ka careysiiyay Itoobya

Image
Waa markii saddexaad oo dib loo cusbooneysiinayo hawlgalka taageerada nabadda Soomaaliya ee Midowga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soo dhaweynta Masar iyo ceyrinta ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika laga bilaabo bisha Janaayo ee soo socota waa labo qodob oo si weyn uga careysiiyay Addis Ababa.

Waa markii saddexaad oo dib loo cusbooneysiinayo hawlgalka taageerada nabadda Soomaaliya ee Midowga Afrika kaasoo si rasmi ah u bilaabmay sanadkii 2007.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka soo gudbey xadka si ay gacan uga geystaan ​​la dagaallanka mintidiinta Islaamiga ah ee Al-Shabaab, oo 2007 gacanta ku haysay caasimadda Soomaaliya.

Waxaa jira ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee hadda socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay kala baxayso 5-7,000 oo askari oo kale oo ku sugan dhowr gobol oo heshiisyo laba geesood ah ay kala saxiixdeen.

Balse Xamse Cabdi Barre waxa uu dhaqan-gelinta go'aankan uu sabab uga dhigay haddii Itoobiya aysan ka bixin heshiiska dekedda ay la gashay Somaliland.

Itoobiya waxay go'aankan u aragtaa dharbaaxo fool ka fool ah, waa sida uu hadalka u dhigay wasiirkeeda arrimaha dibadda oo Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacdey naf-hurnimada ciidanka Itoobiya.

Ka bixitaanka ciidamada ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid u nugul weerarada Al-Shabaab, sida uu BBC u sheegay Christopher Hockey, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Royal United Services Institute.

"Qorshaha la diyaariyay in ciidamada Masar la geeyo xuduudeeda bari ayaa sidoo kale Itoobiya ka dhigi doonta mid cabsi gaar ah qabta," ayuu raaciyay.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka Niilka ee Itoobiya - oo ku yaal galbeedka dalka - khatar jirta - waxayna ka digtay mar hore inay qaadi doonto "tallaabo" haddii ammaankeeda la halis galiyo taasoo hadda ay fulisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HirShabelle oo “ku foogan” ciribtirka dagaalameyaasha Al-Shabaab

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saakay soo gaaray magaalada Balcad.

  • Soomaliya

    15-09-2024

  • 01:45PM

Xamse oo Muqdisho ka daahfuray Bangiga Dhiigga Qaranka

Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa waxaa la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah.

  • Soomaliya

    15-09-2024

  • 11:00AM