Labo wariye oo magaalada Berbera lagu xirey

Image

March 8, 2015 (GO)- Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta labo wariye ku xirey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Labada wariye waxaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka tirsan Royal TV iyo Mubaarak Cismaan Siciid (Nirig) oo isna ka tirsan Star TV.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi ayaa xaqiijiyey xarigga labada wariye balse faah faahin kama bixin sababta loo xiray isagoo kusoo koobay inay qaranka Somaliland dembi ka galeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"labada wariye waa la xirey, dambiga ay galeen haddaad dooneysaan website-yada ka akhriya...qaranka Somaliland ayey dambi ka galeen" ayuu yiri.

Ku dhowaad labaatan wariye ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey lagu xiray deegaanno ka tirsan Somaliland, intooda badan wariyeyaashaas waxaa lagu xirey gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM