Lacagta Mareykanka ku bixiey amniga Soomaaliya tan iyo 2009-kii

Image
Washington ayaa kamid ah wadamadda saameynta ku leh galka nabad-gelyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo sanadkii 2009-kii, Mareykanka ayaa sugidda ammaanka Soomaaliya ku kharash-gareeyay ku dhowaad $2.5 bilyan, sidda laga soo xigtey bogga Middle East Eye oo soo xigatay hay'add caalami ah.

Lacagahan oo sanad kasta ay sii kordheysay ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay ku baxdey dhanka tababarada askarta, saadka iyo kabka miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamadda Ameerikaanka ee ka howlgala Soomaaliya oo xaruntooda ugu weyn ay tahay magaalada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay in ay tiradooda u dhaxeyso 500 illaa 700 qof.

Bishii Ogosto, xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa bogaadiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Afrika, isagoo yiri "hadafka howlgalkeena waa xaqiijinta ammaanka iyo barwaaqada dalalka Afrika".

Laakiin warbixin dhawaan ka soo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ee Pentagon-ka ayaa arrintan ka soo horjeeda, waxaana ay tiri: "Rabshadaha kooxda Islaamiyiinta xagjirka ah ee Afrika waxay kor u kaceen si aan loo meel dayin tobankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ballaariyey boqolkiiba 300 muddadan."

Soomaaliya oo kaliya, Pentagon-ka ayaa diiwaangeliyay 2,221 "dhacdo rabshado wata", iyadoo dagaallada u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka ee dalka ay ka yihiin 72 boqolkiiba.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartey in Al-Shabaab lala xiriirinayo 36 boqolkiiba dhammaan rabshadaha kooxda xagjirka ah ee laga diiwaan geliyay Afrika sannadkii lasoo dhaafay.

Tan iyo 2007, taliska Mareykanka ee qaaardda Afrika ayaa gudaha Soomaaliya wuxuu ka fuliyey ugu yaraan 265 howlgalo dhanka cirka ah, sida ay sheegtay Airwars. Weeraradan waxaa lala eegtey xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM