Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Image

Baydhabo – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Maanta shir degdeg ah ku qabtay magaalada Baydhabo, isagoo la yimid tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo la-dagaallanka argagixisada iyo isku-xirnaanta ciidamada ammaanka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la kordhiyo feejignaanta, isla markaana bulshada looga qaybgeliyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo ammaanay ciidamada ka howlgala gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta oo gobolka ka jirta.

Laftagareen ayaa xusay in tallaabooyinkan cusub ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo ka hortagga falalka argagixisada ee ka dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM