Lafta Gareen oo soo bandhigay aragtidiisa doorashooyinka 2020-21

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa ku adkeystay in doorashooyinka waddanka ka qabsoomaya sanadka dambe ee 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod.

Lafta Gareen oo u waramay Talafishinka Somali Cable ayaa cuskaday xaalado ammaan iyo tirokoob aan wali lagu sameyn dadweynaha.

Sidda laga soo xigtay Lafta Gareen, Koonfur Galbeed ayaa dooneysa in coddeynta soo aadan lagu saleeyo hanaanka qeybsiga beelaha ee 4.5.

"Maamul ahaan, waxaan jeclaan lahayn doorashada in ay u dhacdo 4.5, inta Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo degaanada laga xoreynaayo, nin walbana degaan doorashadiisa uu tago," ayuu yiri.

Mar la waydiiyey hadii muddo kororsi uu doonayo in loo sameeyo madaxda federaalka ah ee haatan majaraha qaranka u haysa ayuu ku jawaabay "Maya, qof Soomaali ah oo rabo maba jirto".

Lafta Gareen ayaa soo jeediyey in la kordhiyo tiradda ergada soo xuleysa baarlamaanka federaalka ee soo aadan. Iyaddoo ay haatan tahay 51, wuxuu ku taliyey in la gaarsiiyo 70.

Hadalka Lafta Gareen ayaa dab kusii shidaya kala qeyb-sanaan weyn oo ka jirta Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ku aadan nooca ay noqonayaan doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM