Laftagareen: Xuska 1-da Luulyo awgeed, waa in ay gacmaha is qabsadaan

Image
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay xoojinta dowladnimada, amniga iyo hormarka dalka.

BAYDHABO, KOONFUR GALBEED - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee Dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed la qayb sanayaa farxadda dabbaal-degga munaasabadda 63- guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Woqooyi iyo Koonfur midoobeen," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Xuska iyo weynaynta munaasabadaha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dhammaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.

"Maalintan qiimaha badan awgeeda waxaa leeyahay Dadka Soomaaliyeed inay Gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyan Xoojinta Dowladnimada, Amniga iyo Hormarka Dalka," ayuu tibaaxay.

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa intaas kusii dartey: "Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Dadka Soomaaliyeed urajeyey inay sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaran Nabad iyo Hormar".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM