Lataliyaha amniga qaranka oo beeniyay warar laga faafiyey

Image
Xuseen Macalin Maxmuud ayaa "been abuur" ku sifeeyay "ku-tiri-ku-teyntan" hareysay baraha bulshadda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Lataliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxmuud ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu Jabuuti kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan TPLF.

Wararkan "aan sal iyo raad toona lahayn" ayaa Jimcaha todobaadkii hore si weyn ugu baahay baraha bulshadda gaar ahaan mareegga Twitter-ka oo siyaasadda si weyn loogu qaadaadhigo.

"Fadlan ka digtoonow wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo shabakadaha: Ma aan safrin meel ka baxsan Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya," ayuu Xuseen qoray.

Cali ayaa sidoo kale la-taliyaha dhanka amniga u ahaa Madaxweyne Maxamuud muddo xileedkiisii koowaad iyo madaxa amniga dibadda ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Sidoo kale, waa aas-aasaha Machadka ka faaloodda arrimaha ammaanka ee Hiraal kaasoo fadhigiisu yahay caasimadda Muqdisho waxaana uu soo saaraa warbixino joogto ah oo lagu falanqeeyo xaaladda waddanka.

Waa kuma Xuseen Macalin Maxamuud?

Xuseen ayaa haysta shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Amniga iyo Sirdoonka. Waxa uu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyada ee Financial Reporting Center (FRC).

Muddo 4 sano ka badan ayuu ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA) kahor inta uusan kusoo biirin Madaxtooyadda.

La-dagaallanka Argagaxisada, Burcad-badeedda, Lid-xuuraanka iyo xiriirka hay'adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya ayuu si weyn ugu dhex-jiray dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayuu mar noqdey. Sidoo kale, Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad iyo 8aad.

Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayuu noqdey. Waa qoraagga Istraatejiyada La dagaalanka Argagaxisada Soomaaliya iyo Istraatejiyada iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM