La-taliyihii Siilaanyo ee arrimaha dadka la hayb sooco oo is casiley

Image

March 2, 2015 (GO)- La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Beelaha la hayb sooco, Bakhrad Jaamac Xirsi ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay.

Barkhad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC wuxuu sheegay in uu warqaddiisa istiqaalada u gudbiyey Madaxweynaha.

Sababta uu isu casiley mar wax laga weydiiyey wuxuu sheegay inay la xiriirto isku-shaandheyntii saddex maalmood kahor Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Isku-shaandheynta wuxuu ku tilmaamey mid aan cadaalad ku saleysneyn maadaama beelaha la haybsooco oo markii horeba dulmanaa - waa sida uu hadalka u dhigaye- aan hal xilna loo soo magacaabin.

Waa mas'uulkii labaad ee is-casila kaddib isku-shaandheyn Feb 28, 2015 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyey golaha wasiirrada, taliska ciidamada iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha hay'adda dowladda hoos taga.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna shalay iska casiley xil cusub oo loo soo magacaabay kaasoo ah Wasiirka Maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM