Luga-dheere: " Al-shabab waan ka xoreynaynaa Jubbooyinka"

Image

March 24, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa sheegay in dhowaan ciidamada Jubaland oo kaashanay kuwa AMISOM bilaabi doonaan wejiga labaad e hawgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee loogu magac daray Gol iyo Gabiib.

Luga-dheere oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Jubaland ee Radio Kismaayo, wuxuu sheegay in wejigii koowaad ee hawlgalkan ciidamada Jubaland kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin: Afar-mirood, Goobweyn, Lug-loow iyo Yoontooy.

"ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona...wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo"ayuu yiri.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii ciidamada Jubaland oo garabsanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay si nabad ah kula wareegeen jaziiradda Kudhaa.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ka soconaya shirka soo xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland kaasoo galay wejigiisii ugu dambeeyey. Dhowaan ayaa la filayaa in la dhaariyo xubnaha barlamanka islamarkaana ay hoggaan doortaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM