Maalgashi lagu sameynayo keydka shidaalka dekada Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Golaha wasiiradda Jubaland ayaa meelmariyey heshiiska shirkada fulineysa mashruucan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay  qodobo kale duwan.

Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii loosoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaaka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimadka ee Dowladda Jubaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19 isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.

Wasaarada Amniga Dowladda Jubaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho kooxaha dhagar-qabayaasha ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.

Dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsato ree Jubaland ay leeyihiin, taasoo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay dowlada Jubaland.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM