​Maalinta Afka oo laga xusay Somalia

Image

Magaalooyinka waaweyn ee Somalia qaybo kamid ah ayaa lagu qabtay munaasabado loogu dabaal dagayay maalinta caalamiga ah ee Afka iyadoo lagu soo bandhigay ibadalka ku yimi Af-Somaliga. 

21 Febrayo, oo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO u aqoonsatay maalinta Afka hooyo ayaa dal walba kaga hadlaa luuqadiisa iyo isbadalka ku dhacay. 

Balse, Somalia ayaa kamid ah dalalka Afkoodu sii dabar go'ayo waxaana barxay luuqado kale oo qalaad taasoo ay sababeen dagaallada iyo colaadaha ka jira waddanka Somalia. 

Xaflado lagu qabtay Garowe iyo Muqdishu ayaa lagu muujiyay sida lagama maarmaanka u tahay in kor loo qaado luuqadda Somaliga iyadoo madaxda waddanka laga codsaday inay kaalin ka qaataan qaabkii lagu yarayn lahaa dhalan rogga ku dhacay Afkeenna hooyo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM