Maalinta Calanka Somalia oo Muqdishu laga xusay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxda ugu saraysa dowladda Somalia ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu xusayay maalinta la taagay calanka Somalia oo haatan laga joogo 61 sano.

Khudbado kala duwan ayaa laga soo jeediyay dabaal dagga oo ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Xamar, waxaana intooda badan looga hadlay sidii loo weynayn lahaa calanka Somalia bulshaduna u dhawri lahayd sharafta calankeena.

Ra’isul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu munaasabada ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga.

“Calanka waxa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaligeed ma aheyn ee waa qowmiyad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa lagu mideysan yahay waa calankaas” Ayuu yiri Sharmake.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda calanku leeyahay waxaana maamulada iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii loo xaq dhawri lahaa.

Sannad kasta 12 Octobar ayaa Somalia laga xusaa maalintii la taagay calanka Somalia oo ku beegan 1954-tii, waxaana hindisay ALLAHA u Naxariisteen Maxamed Cawaale Liibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM