Maamulada oo dalbaday qoondadooda deeq ka timid Imaaraadka

Image
Wasaaradaha Arrimaha Bini'aadanimadda ee Maamuladda ayaa soo saarey qoraal wadajir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirada Arrimaha-bini'aadantinimada ee Maamul-goboleedyada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin qoondadii ay ku lahaayeen lacag dhan 9.6 milyan oo doollar.

Lacagtan oo loogu talagalay gargaarka bini'aadantinimo ayaa waxaa ku tabarucdey Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalka ka qeyb-qaadanaya gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, lacagtaan ayaa waxaa horey codsiyo ugu qortey xafiisyada Ergeyga madaxweynaha ee arrimaha bini'aadanimadda iyo xafiiska cusub ee hay’adda abaaraha iyo gargaarka.

Qoraalka wasaaradaha dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowlada federaalka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Wasiirada Maaliyadaha maamulada iyo dowlada Federaalka lacago qaybsadeen.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM