Xiisada Farmaajo iyo Rooble oo saameysay maamuladda

Image
Farmaajo iyo Rooble ayaa isku haya daadihinta, daahfurnaanta iyo hanaanka loo qabanayo doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay khilaafka Farmaajo iyo Rooble si lamid ah qabsoomida shirka la filayo in uu Muqdisho ku dhexmaro Golaha Wadatashiga Qaranka.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku haya daadihinta, daahfurnaanta iyo hanaanka loo qabanayo doorashooyinka baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan xulista xubnaha Golaha Shacabka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayaa xalay sheegay in Rooble ku fashilmay qabashada doorashadda. Balse, Rooble oo eedaas iska fogeeyay wuxuu Farmaajo ku qeexay "musharax raba in uu tasho shaarkiisa".

Hadaba, waxaad halkaan hoose ka daalacan kartaa qaabka maamulada Soomaaliya si gaar ah kuwa mowqifkooda caddeeyay ay ugu kala aragti-duwan yihiin xiisaddan soo cusboonaatay.

Puntland

Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Jubaland

"Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka  ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed"

Koonfur Galbeed

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka"

Dhanka kale, Galmudug iyo HirShabelle ayaan wali caddeyn aragtidooda shirka iyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble. Wallow si weyn loola xiriiriyo Villa Soomaaliya, haddana wax kasta ayaa isbedeli kara.

Farmaajo ayaa ku dhowaad shan sano xafiiska jooga. Mucaaradka wuxuu ku eedeeyay in uu isku-dhejinayo kursiga. Warar xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya aysan qorshaha ugu jirin xil wareejin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM