Maamulka Somaliland oo qaadacday wadahadalkaTurkiga

Image

23 November, 2015(GO)-Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyay inaysan ka qayb galayn wadahadallada u dhaxeeya iyaga iyo Somalia ee garwadeenka ka tahay dowladda Turkiga, kaasi oo dhawr jeer bur buray.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta kula hadlay magalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in wadamadaan faragalin ku hayaan Somaliland.

Wuxuu tilmaamay inaysan gabi ahaan jirin cid u matalaysa Somaliland shirkaasi, isagoo xusay inay ka fiirsanayaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda Turkiga.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay ka qayb galayaan doorashada dalka Somalia ka dhici doonta sannadka 2016.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia kaasi oo ku aadan shirkaasi iyo qaadacaadda maamulka Somaliland.

Magaalada Muqdishu ayaa kulan loogu qabtey dad dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland kuwasoo lagu weydiinayo fikirkooda ku aadan qaabka doorashada Somalia u dhaceysa 2016

Ra'isal wasaare ku-xigeenka dowlada federaalka ah ayaa kulan lagu lagu qabtey magaalada Muqdishu ka sheegey maalintii shaley 22 Nov,2015 in awooda dalka loo qaybsado Somalia iyo Somaliland. 

Halkan ka daawo warsaxafeedka Somaliland 

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM