Maandooriye iyo dadkii iibinayey oo lagu qabtey Muqdisho

Image
Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay walxaha maanka-dooriya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay Walxaha maanta dooriya iyo Dadkii iibinayay sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha Amniga & Maamulka Degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Xamarjajab ayaa sheegay in howlgalkaan oo ka dhacay Xaafadaha Degmadaas lagu beegsaday dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kuwa iibsada waxyaabaha maanka-Dooriya ay cadaaladda horgaynayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dagaal adag ku wajahayaan walxaha maanka-dooriya oo qayb ka ah falalka amni darro oo cabasho la xiriirta dhaca Dadka Rayidka dhowr jeer soo gaartay.

"Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya, howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Xamarjajab.

Haweeney uu soo bandhigay Booliiska ayaa qiratay in ay ka ganacsaneysay Walxaha maanka-dooriya, waxa ay sheegtay in ay iska dhaafi doonto ka ganacsiga walxahaan oo duruufo dhanka nolosha ah u gashay sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Xamarjajab Mucaawiye Muudey ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay kasii soconayaan xaafadaha Degmadaan si nabadgalyadeeda gacan adag loogu qabto.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ka socda howlgallo lagula dagaalamayo Walxaha maanka-dooriya, Duqa Muqdisho ayaa horay u sheegay in Degmooyinka qaar laga hirgeliyay Warshado sameeya Khamri macmal ah, halka Xashiiska, Tubaakada, Taabuu goobo kala duwan lagu iibiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM