Maareeye: DF diyaar bay u tahay inay la hadasho Somaliland

Image

March 7, 2015 (GO)- Kaddib markii todobaadkii hore uu fashilmey wadahadalkii ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex mari lahaa magaalada Istanbul, ayaa waxaa War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dolwadda Federaalku diyaar u tahay in lasii wado wadaxaajoodka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay inay nasiib darro ahayd wafdiga Somaliland inay shirka qaaddacaan, arintaasoo ah mid wax u dhimi karta heshiisyadii labada dhinac horay u gaareen.

"Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto" ayuu yiri.

Shirkii Istanbul oo qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February, waxaa ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Ergooyinka labada dhinac ayaa ku guul dareystey inay isa soo hor fariistaan, kadib markii Somaliland shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM