Maareeye: DF diyaar bay u tahay inay la hadasho Somaliland

Image

March 7, 2015 (GO)- Kaddib markii todobaadkii hore uu fashilmey wadahadalkii ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex mari lahaa magaalada Istanbul, ayaa waxaa War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dolwadda Federaalku diyaar u tahay in lasii wado wadaxaajoodka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay inay nasiib darro ahayd wafdiga Somaliland inay shirka qaaddacaan, arintaasoo ah mid wax u dhimi karta heshiisyadii labada dhinac horay u gaareen.

"Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto" ayuu yiri.

Shirkii Istanbul oo qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February, waxaa ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa ka mid ah arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

Ergooyinka labada dhinac ayaa ku guul dareystey inay isa soo hor fariistaan, kadib markii Somaliland shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda arrintaasoo wafdiga Dowladda Federaalku ka biyo diideen. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM