Macalimuu: Wali waan u tartamayaan kursiga Golaha Shacabka

Image
Afhayeenka xukuumada xilgaarsiinta oo bishii hore ku dhaawacmay qarax ayaa kusoo laabtey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka xukumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay magaaladda, ka dib markii dhaawac ahaan loogu qaaday dalka Turkiga horaantii January 2022.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa Macalimuu kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda Warbaahinta, Suxufiyiin iyo xubno kale si ay ugu muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin in uu Muqdisho ku soo laabto isaga oo lugiisa ku socda.

Afhayeen xukumadda ayaa isaga oo dib xusuusanaya xanuunkii uu soo maray ayaa u mahadceliyay wasiirka 1aad ee xukumadda oo garab istaag u muujiyay markii uu dhaawacmay.

Waxa kale oo uu ka mahadceliyay sida shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilligii uu dhaawaca ahaa.

Macalimuu ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu soo dabiibo, kadib markii 16-ka bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 uu ku dhaawacmay Qarax Is-miidaamin ah oo lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Musharax u taagan kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana qorshuhu yahay in uu isii gudbo xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashadiisa.

"Waxaan dalka u soo shaqeeyay xilli adag. Waxaan ahay xog-ogaal. Waxaan rajeynayaan in beesha aan ku metelo kursiga ay I siin doonan si aan ugu adeego dalkeyga," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Macalimuu ka hadlay shir jaraa'id.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Macalimuu oo ka jabay gacan iyo lug ayaa laga daaweeyay dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday oo firiro kale gaarsiiyay, isagoona muddo ku dhow laba bil ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Istanbuul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM