Macallin dhigayey dugsi Qur'aan oo xalay Muqdisho lagu diley

Image

March 22, 2015 (GO)- Macallin dugsi Qur'aan dhigayey ayaa xalay lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Mqudisho.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay macallinka ku toogteen meel u dhow gurigiisa kadibna goobta ka baxsadeen.

Dhaawac ahaan ayaa loo geeyey isbitaalka Madiina, halkaasoo markii dambe uu ku geeriyoodey.

Laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ilaa iyo hadda wax war ah arintan kama soo saarin.

Waa macallinkii labaad ee muddo asbuuc gudihiis ah toogasho lagu dilo. March 18 ayey ahayd markii nin macallin ahaa sidan oo kale loogu toogtey degmada Beledweyn.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa bishan March aad hoos ugu dhacay, waxaana taas loo sababeynayaa hawgallada ammaanka Muqdisho lagu sugayo oo todobaadyadii u dambeeyey la xoojiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM