Macaluul ka taagan degmada Buulaberde ee gobolka Hiiraan

Image

March 10, 2015 (GO)- Macaluul iyo xaalad bini aadamnimo oo daran ayaa laga soo sheegayaa degmada Buurala-berde ee gobolka Hiiraan , halkaasoo muddo sanad ah kooxda al-Shabaab go'doon ku hayso.

Guddoomiyaha Buulo-berde Liibaan Cabdi Burisow oo la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in macaluul baahsani ka jirto Buula-berde iyo deegaanada hoos taga.

Dadka ugu badan ee macaluusha iyo nafaqo darradu saameysey wuxuu sheegay inay yihiin carruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah.

"dadku waxay cunaan ma haystaan, guri walba gaajo ayuu dadku la jiifaa" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in kala bar dadkii magaalada ku noolaa ay macaluusha darteed uga barakaceen.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in uusan jirin wax raashin ah oo bilihii u dambeeyey degmada soo gaarey, marka laga reebo raashin kooban oo Dowladda Federaalku degmadaas ku gaarsiisey dhowr gaari oo kuwa xammuulka qaada ah iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Buulo-berde wuxuu Dowladda Soomaaliya iyo hay'adaha samafalka ugu baaqey inay si dhaqso ugu soo gurmadaan dadka tabaaleysan, isagoo ka digey in hadii xaaladda si dhaqso ah loogu soo faragelin waayo ay kasii dari doonto.

Al-shabaab ayaa go'doomisey degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen. Al-shabaab waxay diidey in maciishadda daruuriga ahi u gudubto deegaanadaas arintaasoo dhibaato weyn ku noqtay bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM