Macawiista oo badashay dareeska ciidamadda Soomaaliya

Image
Waxaa jira shaqooyin kale oo ay qabato sidda in ay rasaasta iyo saanadda kale ku qaataan iyo hug ay habeenkii ee ay dhaxanta jirto.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Soomaalidii hore oran jirtay ‘Colka Waraf Ma Lagu Dayay’, taas oo ka dhigan in colka kusoo wajaha si kasta oo uu awood badan yahay ay suurtogal tahay in hab cusub oo lagu tijaabayo ay suurtogal tahay in lagaga guuleysan karo.

Al-Shabaab oo loo maaro waayay wax ka badan 10 sano, laguna dayay awood kasta oo ciidan oo suurtogal ah ayaa hadda u muuqata in loo heley tabtii lagu soo afjeri lahaa, waana ciidamada beelaha abaabulan ee Macawiisleyda.

Hadda ciidamada Macawiisleyda ayaa xagga hore kaga jira furumaha dagaalamada, iyaga oo xitaa ka horeeya ciidamadda xoogga dalka ee tabobarka ciidan soo qaatay iyo kuwa ATMIS.

Ma jirto furin dhab ah oo la yaqaano oo labo dhinac loo kala safanyahay, ee dagaalada waa kuwa hadba meel ka qarxa, ayna aad u sahlantahay in durbadiiba ay wejiyo badan yeeshaan.

Halyeeynimada iyo sida ay geesinimo astaan ugu noqdeen macawiisleyda, waxa ay hadda gaartay in macawuustii lafteeda ay adeegsadaan ciidanka xoogga dalka oo ka dul xiranaya dareeskii ciidanka.

Waxaa jira shaqooyin kale oo ay qabato macawuusta, waxaana ka mid ah in ay rasaasta iyo saanadda kale ku qaataan ciidanka beelaha, waana hug wanaagsan xilliyada habeenkii ee ay dhaxanta jirto.

Cali Shire waa guddoomiyaha Macawiisleyda Balcad, oo aanan Muqdisho aad uga fogeyn, wuxuu warbaahinta adduunka u sheegay in ay u dagaalamayaan qaddiyad dhab ah oo diinta iyo dalka difaaciisa ah.

Qaar badan oo ka mid ah Macawiisleyda oo warbaahin kala duwan wareysiyo siiyay ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee u dagaalamayaan ay tahay dhibaatada aanan loo adkaysan karin ee Shabaabka ku hayaan ishii daqligooda haddii ay ahaan lahayd beer ama xoolo.

Aalad kale oo dagaalka socda kaalin mug leh ka ah ayaa ah xogaha sirdoonka ee la xiriira dhaqdhaqaaqa Alshabaab. Macawiisleyda maadaama ay bulshada ka dhex yimaadeen waxa ay si sahlan u helaan xogahani, iyaga oo dhegta ku haya taleefoonada yaryar ee tooshlaha loo yaqaano, iyaga oo wararka ka hela dadka miyiga iyo beeraha jooga.

Ciidamada Nabad Illaalinta Afrika ee ATMIS ayaa iyaguna haya kaalin aanan marnaba la dafiri karin, sida uu sheegay Jeneraal Keith Katunji oo ah madaxa ATMIS ee Shabeelaha Dhexe waxa ay waddooyinka ka saaraan 5 ilaa 6 qarax jidka maalin kasta.

Shabaabka ayaa si joogto ah qaraxyo u galiya waddooyinka uu saadka u maro ATMIS, sidaasi awgeed waxa ay ciidamada Afrika ku qasbanyihiin in ay baaraan bugcad kasta oo jidka ka tirsan.

Tani waxa si aan ku talogal ahayn u caawisay gaadiidka gargaarka gaarsiinaya dadka ay abaaraha saameeyeen iyo waliba dadka kale ee waddooyinka adeegsanaya.

Si kastaba ha ahaatee, fikradda macawuusleyda waa mid si wadar ah ay u amaantay cid kasta oo dagaalkani ku lugta leh, xitaa ATMIS ayaa qiranaysa in ay wax badan ka barteen ciidamadan beelaha ee abaabulan, islamarkaasna ay aadka uga go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM