Madaxa urur naqdiyey mamnuucida wararka Al-Shabab oo la xiray

Image
Ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa tagay xafiiska ururka kahor inta aan la qaban mas'uulkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu xiray Cabdalla Axmed Muumin, xoghayihii ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Cabdalla laga qabtey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. "Xoghayaha wuxuu ku wajahnaa Nairobi, caasimadda Kenya," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Hay'adaha ammaanka xukuumadda federaalka wali kama hadlin dhacdadan. Xiriiro kala duwan oo ay la sameysay warbaahinta ayay ka gaabsadeen sababo aysan fahfaahin ka bixin.

Goor sii horeysay oo maanta ah, Ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa soo bandhigay muuqaal CCTV ah kaasoo muujinaya ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo "weeraray" xafiiskooda Muqdisho wallow uu waqtigaas xirnaa maadaama shaqada laga baxay.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa. Balse, tani ayaa kusoo aadaysa xilli shalay ay walaac ka muujiyeen amarka dowladda ku mamnuucdey faafinta wararka Al-Shabaab ayna sheegeen in uu "wiiqayo xorriyadda hadalka iyo warbaahinta".

Hanad Cali Guuleed, xoghayaha tababaradda ee ururka SJS oo Garowe Online u xaqiijiyey xariga Cabdalla ayaa sheegay in ay Arbacada berri ah qabanayaan shir jaraa'id oo ay ku cambaareynayaan talaabadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay "dambi tahay," faafinta wararka AlShabaab, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

"Al-Shabaab ma ahan xisbi siyaasadeed, malaha aragti siyaasadeed. Aragtidooda waxay ka bilaabataa dil kuna dhamaataa dil," ayuu tibaaxay.

Geesta kale, xukuumadda ayaa shaacisay in ay xirtay 46 barro dhanka internet-ka oo ay AlShabaab u adeegsaneysay faafinta fekerkooda, sidda uu sheegay wasiir ku xigeen Al-Cadaala.

"Waxaa kale ku dabajirnaa in aan xirno baro kale oo ay website-yo ku jiraan,” ayuu xusay. Al-Cadaala ayaa iclaamiyey "fariin AlShabaab hadaad faafiso bartilmaameed ayaa tahay".

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa walaac ka muujisay amarka dowladda balse waxay ugu baaqdey dowladda iyo ururadda saxaafadda in ay kawada fariistaan qadiyaddan ayna is-faham ka gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM