Madaxda federaalka oo si dadban isaga difaacay eedihii Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah si maldahan uga jawaabay eedo uga yimid madaxweynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabaya dhaliisha ah in uu federaaleynta dalka u hirgelinayo qaab danahiisa u adeegaya ayaa andacoodey in mashruucan uu isaga ka horeeya.

"Federaaleynta dalka Xasan Sheekh ma keenin. Dastuurka ayay ku qoran tahay in dalku federaal yahay. Laakiin [arrimihii] dadka ka dhaxeeyay inta la jiido yaan la isku-dayo in laga dhigo [kuwa degaan gaar ah]," ayuu yiri.

Dhankiisa, ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray in aysan u joojin doonin dad uu ku tilmaamay "in ay isku-dayayaan carqaladeynta horey u socoshada Soomaaliya".

"Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega, oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo. Lugaha la iskaga dhego ama qadaadka, waa la dhameystirayaa dastuurka sanadkan," ayuu tibaaxay.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shirka sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya, halka Xamse Cabdi uu khudbad u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Qaahira ee Masar.

Deni ayaa ku eedeeyay hogaanka dowladda federaalka "in ay dalka dib ugu celinayaan nidaamka dowlada dhexe. Hadalkan wuxuu sheegay xilli uu diidey saxiixida federaalka garsoorka iyo kala xadeynta awoodaha federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM