Madaxda maamuladda ee cimriga u dheereeyay xukunkooda

Image
Dowladda federaal Soomaaliya ayaa illaa haatan ka hadlin mowqifkeeda talaabooyinka ay qaadeen hogaamiyeyaashan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa u codeeyay in muddo hal sano ah loogu kordhiyo madaxweyne Qoorqoor.

Konton iyo Lix (56) Xildhibaan ayaa meelmarisay mooshinkan uu ansixiyey baarlamaanka Galmudug, mana jirin mudane diidey, sidda uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Galmudug maamulkii ugu horeeyay ee shan sano ka dhiga muddo xileedka hay'adaha sarre - madaxweynaha iyo baarlamaanka. Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan madaxda maamuladda ay xafiiska sii joogi doonaan 5 sano.

Puntland ayaa horey muddo xileedkeeda madaxweynaha iyo baarlamaanka uu u ahaa muddo shan sano ah waxaana muuqanaysa in ay maamuladda kale kula soo biireen muddo xileedkan.

Dowlad goboleedyadda kala ah; Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbed ayaa talaabo noocaan oo kale horey u qaadey. Dowladda Federaalka ayaan wali caddeyn mowqifkeeda.

Talaabada baarlamaanka Galmudug ayaa timid saacado kadib markii shirkii wadatashiga hogaamiyeyaasha maamulada iyo madaxda dowlada Federaalka ah lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda isku-raaceen shir kale oo aan la shaacin goobta iyo goorta uu dhici doono.

Warsidaha Garowe Online oo si dhow ula socdey dhaqdhaqaaqa wadahadaladda ayaa wuxuu xaqiijiyey in hogaamiyeyaasha aysan is-araggan uga hadlin qodobo culus "waqtiga oo yar aawadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM