Madaxda maamuladda ee cimriga u dheereeyay xukunkooda

Image
Dowladda federaal Soomaaliya ayaa illaa haatan ka hadlin mowqifkeeda talaabooyinka ay qaadeen hogaamiyeyaashan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa u codeeyay in muddo hal sano ah loogu kordhiyo madaxweyne Qoorqoor.

Konton iyo Lix (56) Xildhibaan ayaa meelmarisay mooshinkan uu ansixiyey baarlamaanka Galmudug, mana jirin mudane diidey, sidda uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Galmudug maamulkii ugu horeeyay ee shan sano ka dhiga muddo xileedka hay'adaha sarre - madaxweynaha iyo baarlamaanka. Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan madaxda maamuladda ay xafiiska sii joogi doonaan 5 sano.

Puntland ayaa horey muddo xileedkeeda madaxweynaha iyo baarlamaanka uu u ahaa muddo shan sano ah waxaana muuqanaysa in ay maamuladda kale kula soo biireen muddo xileedkan.

Dowlad goboleedyadda kala ah; Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbed ayaa talaabo noocaan oo kale horey u qaadey. Dowladda Federaalka ayaan wali caddeyn mowqifkeeda.

Talaabada baarlamaanka Galmudug ayaa timid saacado kadib markii shirkii wadatashiga hogaamiyeyaasha maamulada iyo madaxda dowlada Federaalka ah lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda isku-raaceen shir kale oo aan la shaacin goobta iyo goorta uu dhici doono.

Warsidaha Garowe Online oo si dhow ula socdey dhaqdhaqaaqa wadahadaladda ayaa wuxuu xaqiijiyey in hogaamiyeyaasha aysan is-araggan uga hadlin qodobo culus "waqtiga oo yar aawadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM