Madaxda Somalida oo ka hadashay shirka Muqdishu ka socda

Image

13 December, 2015(GO)-Khudbado kala duwan ayaa madaxda dowladda Somalia iyo maamul goboleedyadu ka soo jeediyeen shirka Muqdishu ka socda ee looga hadlayo doorashada 2016 ka dhici doonta dalka.

Shirka oo ujeedkiisu yahay in looga doodo habka ugu macquulsan ee loo wajahayo doorashada ayaa waxaa muuqata inay jiraan kala aragti duwaan u dhaxaysa madaxda Somalida iyo maamul goboleedyada. Waxaana khudbadihii la jeediyay ka muuqatay in maamullada Puntland iyo Jubballand ka soo horjeedaan in la qaato habka qabaliga ah ee 4.5.

Waxaa madasha lagu soo hadal qaaday shirarkii ka dhacay magalada Garowe in looga gudbay habka wax ku qaybsiga beelaha dastuurka dalkuna ogolayn in dib loogu laabto, ama lagu soo xulo Xildhibaanada badali doona kuwa waqtigoodu dhammaanayo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo waqtiga hishiiskaasi laga galayay ahaa Gudoomiyaha Barlamanka Somalia, ayaa maanta shirka ka sheegay inay bannaantahay ku tumashada hishiiskaas, maadaama aysan hirgalin qodobo kale oo ku dhignaa Garowe 1 iyo 2.

Goobta wadaxaajoodka doorashada dalka, waxaa laga soo qayb galiyay xubno ka socda gobollada, Banaadir, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe. Waxaana laga wada dharagsanyahay in gobolladaasi lahayn maamul goboleed.

Aragtida gobolladaasi ayaa ah in doorashada soo socota lagu saleeyo 4.5, halka horay u taageereen Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Arrintan ayaa dhabada u xaaraysa in la jabiyo qodobada dastuurka dalka ee qeexaya habka wax ku qaybsiga beelaha, waxaana dowladda dhexe dadaal ku bixinaysaa in doorashada soo socota Xildhibaanada lagu soo xulo 4.5, si mar kale u helaan awood siinaysa inay ku soo laabtaan hogaanka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM