Madaxda Soomaalida oo gaarey heshiis Puntland ka maqan tahay

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gaashaanka ku dhuftey in uu saxiixo war-murtiyeedka shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida horey aan u tabinay, madaxweynaha Puntland ayaa diiday in ay wadahadal ka galo labadii qodob ee looga hadlayay shirka madasha wadatashiga ee xalay soo gabogaboobay.

War saxaafadeed soo baxay ayaa lagu sheegay in la saxiixay heshiiska kala xadaynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo heshiiska daadajinta garsoorka.

"Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warar uu helay warsidaha Garowe Online ayaa waxay sheegayaan in dowladda federaalka uu hoos imanayo garsoorka, balse la gaarsiinayo illaa heer degmo.

Labadan qodob oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa ee shirka looga wada hadlay ayay Puntland diiday in ay saxiixdo, iyada oo madaxweyne Deni uu markii horeba shirka tagay isaga oo aanan ka diyaar garoobin qodobadan.

Madaxdii kale ayaa ku qasbanaaday in ay saxiixaan heshiiska oo galay dood iyo aragti is-weeydaarsi badan, sidan ayuuna ku dhaqangalayaa. Diidmadda Deni waxay salka ku haysaa arrimo dano gaar ah.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:

HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM

Masar oo saldhigyo Militeri ka dhisanaysa Soomaaliya

Lama shaacin halka ay Ciidamada Masar saldhigyo ka dhisan doonaan, balse waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan hub iyo agab militeri.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 01:58PM