Madaxda Soomaaliya oo dib uga fekeraya go'aanadii buuqa dhaliyey

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli diidmo xoogan lagala hortagay qodobadaas lagu tilmaamay "dastuur jabin".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya iyo madaxda maamuladda ayaa lagu waramay in ay dib-uga-fekerayaan go'aanadii kasoo baxay shirkii ay dhowaan ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli diidmo xoogan lagala hortagay qodobadaas laguna tilmaamay in ay jideynayaan hanaan doorasho aan dastuuri ahayn iyo muddo kororsi heer federaal iyo mid gobol ah.

Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, oo laba jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare, ayaa si gooni gooni ah u sheegay in heshiiskaasi uu khalkhal gelin karo xasiloonida dalka, wuxuuna su’aal geliyay doorka Golaha Wadatashiga Qaraka.

"Golaha Wadatashiga Qaranku (NCC) ma wuxuu doonayaa inuu ku beddelo nidaamkii hore ee militariga ee baabi'iyey nidaamka xisbiyada badan oo lagu beddelo nidaamka hal xisbi?," ayuu ku yiri Twitter-ka. "Tallaabadan waxay la mid tahay in sun lagu durayo muuqaalkeenna siyaasadeed," ayuu raaciyay.

Cabdiweli Cali Gaas oo horay u soo noqday madaxwaynihii hore ee Puntland, ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qoray in heshiiska doorashada uu yahay mid aan u wanaagsaneyn Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego jawiga siyaasadeed ee hadda taagan.

“Warkii xalay ka soo baxay Villa Somalia ma ahan mid la aqbali karo” ayuu qoray Gaas. "Heshiisku wuxuu ku guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha qarankeena ee xaaladda uu hadda ku sugan yahay," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee Djbouti sannadkii 2000, Soomaalidu waxay isticmaalaysay nooc awood qaybsi ah oo lagu suntay 4.5.

Doorashadii ugu dambeysay ee habka awood qeybsiga ee 4.5 ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyay Villa Soomaaliya bishii May ee sanadkii hore.

Guuleed Dheere oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in meesha laga saaro nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday matalaad dhab ah oo shacabka.

"Siyaasiyiinta gudan waaya waajibaadkooda waxaa lagula xisaabtami doonaa marka kusoo laabato gacanta shacabka,” ayuu ku dooday, isaga oo ula jeedo in cod iyo cod ay fursad u tahay in suuqa laga saaro danleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM