Madaxda ugu saraysa Somalia oo ka hadashay dagaalka Baladweyne

Image

15 Decemeber, 2015(GO)-Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia ayaa looga hadlay dagaalka labada maalin ka socday magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo. Labada dhinac wuxuu ugu baaqay in si adag loo joojiyo ciddii arrintaasi ka dambaysayna lagula xisaabtami doono.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’, Ayaa lagu yir qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Shacabka gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqey inay nabadda ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa ka hadlay colaadda wuxuuna ku baaqay inuusan dagaalku faa'iido lahayn wixii dhacayna dib loogu noqon ee laga shaqeeyo nabad galyada iyo hormarka gobolka Hiiraan.

“Waa nasiib-darro in degmada Beledweyne ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan waqtigan oo dadka Soomaaliyeed ay ka tashanayso mustaqbalkooda, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda”, Ayuu yiri Sharmake.

Beelaha dagaallamay ayuu u diray baaq nabadeed, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku waxyeeloobay dagaalka Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM