Madaxii Jabhadaynta Shabaab oo lagu dilay Shabaalaha hoose

Image

22 December, 2015(GO)-Wararka aan ka helayno gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dilay ninkii ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhadaynta iyo saraakiil kale, kadib weerar duqayn ah oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone).

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Cuteyba, waxaana lagu dilay halka loo yaqaano Shanta Ameerika oo hoostaga degmada Kuntuwaarey gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalyahanno  ka tirsan Al-shabab ayaa isku gadaamay goobtii duqaynta laga fuliyay, mana jirto xog intaasi dhaafsan oo laga helayo deegaankaasi, waxaana kooxdu xannibtay dhaqdhaqaayadii dadweynaha.

Lama garanayo cidda lahayd diyaarada falkaasi fulisay. Ilaa hadda kama hadlin kooxda Al-Shabaab.

Warar kale oo aan ka helayno deegaanka Shabta Ameerika ee weerarku ka dhacaya tibaaxaya in waxyeello ka soo gaartay dadka ku dhaqan nawaaxiga ay duqayntu ka dhacday 

Saraakiisha Amniga Federalka Somalia ayaa tilmamay inay baarayaan khasaaraha soo garay shacbiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM