Madaxii qaraxyada Jubbooyinka ee Al-Shabaab oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal ay maanta fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo daraawiishta Jubbaland ayaa lugu diley ku dhawaad 50 dagaalme oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida ay sheegtey warbaahin ku hadasha afka dowladda.

Howlgalkan ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Weel-Maaroow oo 45-KM dhanka Bari kaga beegan degmada Afmadow. Sidoo kale ciidamada waxay burburiyeen goobo u dhow degmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab.

Wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegtey in howlgalkan lagu dilay madaxii maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow iyo madaxii qaraxyada jubooyinka oo lagu magacaabo Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka ka qeyb galay ay gacanta ku dhigeen tiro dagaalyahano ah, hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka kale, Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerar ismiidaamin ah ay kooxdu ku qaadday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa billaabay asbuucan howlgallo ballaaran oo ay kula wareegayaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska Danab ee XDS iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maamihii lasoo dhaafay la wareegey deegaano ku teedsan gobolka jubadda dhaxe oo xudun u ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM