Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaarey Washington DC

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doono shirka hogaamiyeyaasha Afrika iyo Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaallanka argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka khawaarijta Al-shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM