Madaxwayne Xasan Sheekh oo si toos ah u dhaleeceeyay ATMIS
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay ku guuleysteen shaqo ay muddo 15-sano ah ku fashilmeen ciidamadda ATMIS, sidda uu sheegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan u sheegay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalka Qatar.
Saraakiishan u badan dhalinyaradda ayuu la wadaagay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.
Dowladda Qatar oo u fidisay marti-qaad muddo labo maalmood ah ayuu ku bogaadiyey kaalinteeda gaarka ah ee ku aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.
Sidda laga soo xigtey Xasan Sheekh, howlgaladda la qorsheynayo bilooyinka soo aadan ayaa diiradda saari doono "xorreynta nus kamid ah Soomaaliya oo haatan gacanta ugu jira xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida".
"Ciidamadeena waxay muujiyeen adkeysi aan horey loo sameyn. [ATMIS] oo taagniyo, beebeeyaal, madaafiic iyo hilikobtaro haysato way noo qaban waayeen 15-sano inta haatan laga xoreeyay dalka oo waliba nus kamid ah ay haatan noo dhiman tahay. Marka maahmaahdii ahayd 'Biyo sacabadaada looga dhargaa' waa dhabta jirta," ayuu yiri.
Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa si aan toos ahayn waxa uu u qiray walaaca laga qabo ciidamadda qaab beeleedka u abaabulan ee qeybta ka ah howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab.
"Khibrada waxay nasoo tustey in ciidamadda isku-dhafan ay ka tayo badan yihiin kuwa reer hebelka ah waayo waxaa yaraanaya dareenka ah reer hebel hadaan nahay aan is ilaalino," ayuu hoosta ka xariiqay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa waxa uu caddeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay ka hoos baxdo taakulada caalamiga ah taasina looga gudbi karo isku-tashi iyo mas'uuliyad wadareed.
"Waa nala kaalmeyn karaa, agab waa nala siin karaa laakiin qof nalama siin karo; qofka aad tahay adiga, Soomaali ah, dal kale aan lahayn, diintiisu Islaam tahay, qofkaas ayaa tahay; qof badali karto ma jirto," ayuu yiri.
Tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, 2023, waa markii labaad oo Xasan Sheekh uu u socdaalo Qadar oo kamid ah dalalka Khaliijka ee saameynta weyn ku leh siyaasadda, ammaanka iyo geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
GAROWE ONLINE