Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho soo gaarey

Image

January 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Wafdiga Erdogn oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyskiisa, wasiiro, xildhibaano iyo ganacsato Turkish ah si weyn ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta wafdiga Erdogan waxaa ka qayb qaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid, qaar kamid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya iyo; xubno ka kala tirsan goleyaasha wasiirada iyo barlamanka.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu xariga ka jari doonaa qaybta cusub ee dhismaha terminalka garoonka Muqdisho isagoo sidoo kale kormeeri doona mashaariic kale oo dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho. 

Booqashada Recep Tayyib Erdogan ayaa noqoneysa tii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado. Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka ayaa Erdogan iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen Muqdisho. 

Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay, Madaxweynaha Turkigu wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo sidoo kale booqan doona mashaariic dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho. 

Faahfaahin dheeri ah iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM