Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe, 10 Luulyo 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan muhiimka ah oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, arrimaha gudaha ee Puntland — gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriiska ka fuliso Puntland.

Intii uu socday kulanka, Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo Puntland, isaga oo xusay sida muhiimka ah ee ay tahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka gobollada dalka.

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad, taasoo loogu talagalay in lagu taageero hawlgalka milateri ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada. Deeqdan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay UK ku garab taagan tahay Puntland xilligan ay si geesinimo leh ula tacaalayso khataraha nabadgelyo ee gobolka.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska doorkeeda firfircoon iyo taageerada ay siiso Puntland, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay Dowladdu uga go’an tahay in la ciribtiro argagixisada, lana dhiso hay’ado dowladeed oo tayo leh, si shacabka Puntland u helaan nolol amni iyo horumar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM