Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image

February 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, xildhibaanno, wasiirro iyo qaar kamid ah madaxda dhaqanka ayaa wafdiga Jabuuti si dirran usoo dhoweeyey.

Intaas kaddib waxaa wafdiga loo soo gudbiyey dhanka hoteelka City Palace halkaasoo ay kaga qayb galeen munaasabad lagu xusayey maalinta afka hooyo oo ku beegan 21-da bisha February.

Muddada Ismaaciil Cumar Geelle Muqdisho ku sugan yahay, wuxuu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya isagoo sidoo kale dhagax dhigi doona akaademiyad lagu darsi doono afka Soomaaliga taasoo xarunteeda dhexe Muqdisho laga hirgelinayo.

Waa markii labaad ee Ismaaciil Cumar Geelle booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho laga soo bilaao markii uu dalku kumeel garnimada ka baxay.

Faah faahin ku saabsan munaasabadda lagu xusayo maalinta afka hooyo dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM