Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kaddib safar shaqo oo maalmo qaatay oo uu ku tegay magaalada Garowe, caasimadda Dowladda Puntland.

Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Jubaland iyo Puntland, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay arrimo masiiri ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed, amniga, iyo wadajirka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intii uu joogay Garowe kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka, iyo siyaasiyiin madax-bannaan, waxaana looga hadlay sidii loo mideyn lahaa mowqifka dowlad-goboleedyada ee ku aaddan hanaanka Federaalka, qeybsiga kheyraadka dalka, iyo dib-u-eegista dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee ay ansixiyeen qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Federaalka, isagoo ugu baaqay in isbeddel kasta lagu saleeyo wadatashi qaran iyo heshiis lagu mideysan yahay.

Markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, saraakiisha ciidamada qalabka sida, xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmeysa xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan baaqyada ku aaddan wadatashi qaran oo dhab ah, iyo in la ilaaliyo heshiisyadii dhismaha Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM