Madaxweynaha Jubbaland oo dhawrista Af-Somaliga lagu abaalmariyay

Image

18 December, 2015(GO)-Guddiga Akademiyo Goboleedka Af-Somaliga ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiisay Madaxweynaha Jubbaland xilli uu ku laabta magalada Kismayo xarunta maamulkaasi.

Shahaada ayaa ka turjumaysa dhawrista Af-Somaliga iyo kaalintii uu ku lahaa Axmed Maxamed Islaam in madaxda Somalida ku dhiiri galiyo ku hadalka luuqadooda hooyo inta uu socday shirka madashada wadatashiga qaran ee magalada Muqdishu.

Gudoomiyaha guddigaas Maxamed Dahir Afrax oo billadan siiyay madaxweynaha ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo lasiiyo shakhsi mas'uuliyaddiisu gaarsiisantahay heerka Axmed Madoobe.

“Billadan waa markii koowaad oo aan siino qof mas’uuliyadiisu heerkan gaarsiisantahay, wuxuuna ku muteystey sida uu u dhawrayo Afka Soomaaliga, isaga oo soo saaray wareegto lagu waajibanayo Jubbaland dhexdeeda isticmaalka luuqaddeena” Ayuu yiri Afrax.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa ka mahadceliyay abaalmarinta, wuxuuna sheegay inay haboontahay islamarkaana mudanyihiin guddigan in lagu dhiiri galiyo shaqada bulshada Somaliyeed u hayaan.

Axmed Madoobe ayaa shirka Muqdishu madaxda u soo jeediyay in la joojiyo isticmaalka luuqadaha qalaad, taa badalkeeda la isticmaalo Afkeenna hooyo, waxaana hadalka u hogaansamay mas'uuliyiinta Somalida ee ku shiray xerada Xalane.

Waxaa xusid mudan in wareegto uu saaray madaxweynuh Jubbaland ku amray hay'adaha maamulkaasi inay isticmaalaan Somali waqtiyada ay samaynayaan qoraallada.

Luuqadda dalka Somalia ayaa lagu tiri Afafka isbadalku ku yimi, waxaana dadka ku xeel dheer luuqaduha sheegeen inay ku jiro kuwa dunida ka dabar go'i raba. Arrintan ayaana saamayn ku leh dowladda dhexe iyo maamullada dalka ka jira kuwaasi oo aan tixgalin siin Afkeenna oo kamid ah luuqadaha hodanka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM