Madaxweyne Shariif Xasan oo soo magacaabay 20 wasiir

Image

January 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa soo magacaabay qaybtii labaad oo kamid ah golaha wasiirada maamulkaas. Labaatan wasiir ayuu shalay soo magacaabay iyadoo wasiir ku-xigeenadana la filayo in todobaadkan gudihiisa uu soo dhameystiro..

  1. Wasiirka Amniga, Cabdifataax Ibraahim Geesay 
  2. Wasiirka Hub ka Dhista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka, Xasan Xuseen Maxamed .
  3. Wasiirka Batroolka iyo Tamarta, Saalim Xaaji Xasan Cismaan.
  4. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa. 
  5. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdinaasir Cabdi Caruush. 
  6. Wasiirka Caafimaadka, Isaaq Cali Subug.
  7. Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta, Saadaad Maxamed Caliyow. 
  8. Wasiirka Hiddaha, Tacliinta Sare iyo Ticnoolijiyadda, Xasan Ibraahim Xasan .
  9. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Xasan Cabdi Maxamed 
  10. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Maxamed Cumar Zeytuun.
  11. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Cabdulaahi Cabdi Cumar Fanax.
  12. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Aadan Xasan Maxamed Usaama 
  13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha, Cabdulaahi Sheekh Xasan.
  14. Wasiirka Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha, Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus.
  15. Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka, Cabdiqaadir Nuur Caraale.
  16. Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada, Cabdulaahi Muuse Abuukar .
  17. Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta, Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere).
  18. Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa, Macalin Maxamuud Maxamed (Macalin Jii).
  19. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Axmed Maxamed Barre.
  20. Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha, Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan.

December 19, 2014 ayey ahayd markii Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed si hordhac ah usoo magacaabay afar wasiir oo kala ahaa.

  1. Wasaarada Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate).
  2. Wasaarada  Maaliyadda, Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur).
  3. Wasaarada  Garsoorka, Axmed Sheekh Xasan (Garrow).
  4. Wasaarada Beeraha, Maxamed Xasan Fiqi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loogu doortey doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo November 17, 2014. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM